Faahfaahin Dagaalkii Baledxaawo oo hada istaagay iyo khasaare soo gaaray Dad rayid ah

Dagaalkii maanta ka qarxay Magaalada Baledxaawo ayaa hadaistaagey iyadoo labada dhinac ee dagaalamay ay qolobwalbo meeshoodii joogaan.

Labada dhinacba waxay sheegayaa yaan guul balse Dad goobjoogayaal ah waxay Puntlandi.com u xaqiijiyeen in labada dhinac ay mid walbaa goobohoodii ku laabteen.

Ciidamada Jubbaland ayaa markii hore Gudaha u galay inta badan Magaalada balse dib ayay u laabteen Galabta.

Khasaaraha waxaa lagusoo waramayaa ugu yaraan 10 dhimasho a labada dhinacba.

Dowlada Kenya ayaa dhankooda heegan galiyey Ciidamadooda waxayna xireen Xuduuda, walina Xuduuda waa xirantahay.

Sargaal Ka tirsan Ciidamada Dowlada oo la hadlay saxaafa Gudaha ayaa wuxuu sheegey in Kenya ay Soo weerartay balse warkaasii waa been abuur.

Warar waxaa jira sheegaya in ay dhinteen Dad Rayid ah oo gaaraya laba Qof,

Guryo ku yaal Magaalada ayaa iyana dhawac soo gaaray,

Puntlandi.com
Mandheera

<