Booliska Kenya oo Qoraal kasoo saaray Xaalada Mandheera

Booliska Dalka Kenya ayaa soo saaray Qoraal ku socda Shacabka Mandheera Qoraalka oo ay ku dajinayaan Shacabka.

Booliska Kenya waxay sheegeen in laga foojignaado Borobogaandada lagu baahinayo Baraha Bulshada, ayna Xaalada Mandheera degantahay, aysana jirin Wax Dagaal ah oo sameeyey Magaalada.

Shacabka waxaa la faray in ay Booliska soo Waxaan haday arkaan cid ku soo xadgudubtay Xuduuda Kenya.

Boolisku waxay sheegeen in Ciidamada Kenya ay heegan u yihiin Amaanka Shacabka Isla markaad aysan Shacabku ka walwalin Amaankooda.

Qoraalkaan ayaa soo baxay kadib markii maanta uu Dagaal ku dhex maray Baledxaawo ciidamada Dowlada Federaalka iyo Ciidamada Jubaland isla markaasna ay Masuuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya ay Baraha Bulshada ku baahiyeen in Kemya ay soo weerartay Soomaaliya Ciidamada Soomaaliyana ay ka talaabadaan Xuduuda.

Hoos ka akhriso Qoraalka Booliska Kenya

<