Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxay xiligaan u weerareen Kemya

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay eedeyn dusha uga tuuray Dowlada Kenya oo ay ugu hanjabtay inay Dacwad Caalami ah ka gudbinayaan, Ergayga Dowlada Soomaaliya Qaramada Midoobey u fadhiya ayaa Sidaas sheegay.

Dublamaasiyiin Soomaaliyeed ayaa Eedeyntaan ka timid Muqdisho ku tilmaamay Qar iska xoornimo aan xiligaan loo baahnayn, waxayna sheegeen in Eedeyntaan ay ku salaysan tahay Xaalada Gobolka Gedo oo qura.

“Kenya iyo Jubbaland waxay ka wada shaqeeyaan Amaankooda,Villa Doomaaliya waxay Kenya u eedeynaysaa waa Maxaad Uga wada shaqaynayaan Amaankiina iyo Maxaa Al-Shabaab ula dagaalamayaan, waa Siyaasad Xumo fashil ah eedeyntaan raqiiska ah ee Kenya laga gudbiyey xiligaan, Wadamada daneeya Soomaaliya Way la socdaan Xaalada iyo waxa la isku hayo” Waxaa sidaas yiri Dublamaasi Hore oo Soomaaiyeed.

Kenya iyo Jubbaland wali kama aysan jawaabi eedeyntaan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Puntlandi.com
Kodmaayo

<