Booliska Kenya oo su’aalo waydiinaya Xildhibaano Muqdisho si qarsoodi ah ku tagay, magacyadooda

Booliska Kenya ayaa Garoonka Diyaaradaha Wilson ee Magaalada Nairobi waxay Su’aalo eaydiinayaan Xildhibaano Reer Kenya ah oo safar qarsoodi ah ku tagay Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa lagu eedeynayaa Khiyaamo Qaran kadib markii ay Si qarsoodi ah ay ula kulmeen Sirdoonka Muqdisho ayna Safar aan ujeedkiisa la garanayn ay ku tageen Muqdisho.

Boolisku Faahfaahin kama aysan bixin Hakadka lagu sameeyey Xildhibaanada, waxaase lagasoo xigtay Booliska in Xildhibaanadaan ay Ku howlanaayeen Shaqo aysan shaqadooda ahayn , ayna shaqadaan ay lid kubyahay Amaanka Dalka.

Waakuwaan magacyadooda Xildhibaanada

1-Ahmed Colosh (Wajir West)
2-Ibrahim Abdi (Lafey),
3-Rashid Qassim (Wajir East),
3-Mohamed Heyre (Lagdera),
4-Cmar Macalim (Mandera East),
5-Bashir Abdullahi (Mandera North),
6-Adan Haji (Mandera West)
7-Kullow Maalim (Banisa).

Xildhibaanadu waxay Diyaarad khasab ku tageen Muqdisho maalin ka hor, waxayna kulan aan ujeedkiisa la aqoon ay la yeesheen Dowlada Soomaaliya iyo Sirdoonka Muqdisho.

Puntlandi.com
Nairobi

<