Booliska Kenya oo fasaxay Xildhibaanadii ay su’aalaha waydiinayeen

Bileyska Dalka Kenya ayaa fasaxay Xildhibaanadii Kenyan Soomaaliga ahaa ee Safarka qarsoodiga ah ku tagay Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa mudo saacad ah ay Bileysku waraysteen, kadibna Way iska fasaxeen in Kastoo Kiiskooda ay la wareegeen Dowlada Kenya iyo Sirdoonka Dalkaasi.

Xildhibaanada oo ka kooban 7 Mudane ayaa waxay shalay Muqdisho ku aadeen safar qarsoodi ah halkasoo la sheegey inay kula kulmeen Dowlad Soomaaliya.

Safarkooda ayaa shaki badan abuuray, waxaana la sheegey in Bileysk Dalka Kenya loo gudbiyey Dacwad k dhan ah Xildhibnada iyadoo lagu eedeeyey Khiyaamo Qaran.

Bileysku markay su’aalo dhowra waydiiyey Way fasaxeen Xildhibaanada iyadoo markii horeba uusan jirin Xarig Loo geystay Xildhibaanada balse iyaga ayaa Booliska u ogolaadey in Su’aalaha la waydiin karo.

Puntlandi.com
Nairobi

<