Maxay yihiin Ciidamada ka goostay Jubbaland

Sawirkaan waa Madaxweyne Axmed Madoobe oo dhex lugaynaya Dhoobley ayna hareer Socdaan Ilaalada khaaska ah ee Madaxtooyada Jubbaland


Inkastoo aysan wali si rasmi ah u shaacin Dowlada Jubbaland iyo Taliska Ciidamada Jubbaland waxaa jira 7 Askari oo ka baxsadey Ciidamada Jubbaland ee Dhowaan laga keeney Kismaayo kuwasoo la geeyey Baledxaawo

Sargaal ka tirsan Ciidamada Jubbaland oo ku sugan Kismaayo ayaa Wariye ka tirsan Howlwadeenada Puntlandi.com wuxuu siiyey macluumaad ku saabsan Askarta isu dhiibay Ciidamada Dowlada Federaalka ee ku sugan Baledxaawo, Sargaalku aqoon ayuu u leeyahay Ciidanka Baxsadey, waxaa hadaladiisii kamid ahaa.

Madaxweynaha Jubbaland markuu u duuley Dhoobley todobaadkaan bilowgiisii waxaa la socdey Ciidan sodomeeye ah oo ka baxsan Ilaalada Madaxweynaha, Ciidankaan waxaa loo waydey Gobolka Gedo si ay usii raacsan Ciidamo ku sugnaa Dhoobley oo iyana loo badalay Gobolka Gedo, Askarta Dhuumatay sidaan filayo horay ayuu qorshohoodu ahaa iney dhuuntaan markii Baledxaawo la geeyo, Deegaan ahaan waa Reer Gado dhamaantood, horay waxay uga tirsanaan jireen Ciidamada Dowlada Federaalka ee ku signaan jiray Kismaayo, Sanad ka hor ayay kusoo biireen Ciidamada Dowlada Jubbaland iyagoo taageero ka helay Madaxweyne Xigeenka Jubbaland, hadana waxay ku laabteen Ciidamadii ay ka tirsanaayeen, oo wax macne ah ma sameynayaan baxsashadoodu,
ayuu hadalka kusoo koobay Sargaalku.

Jubbaland waxaa hada Gobolka Gedo ka jooga Ciidamo farabadan oo walhtiyo kala duwan la isugu keeney, kuwasoo la shaaciyey iney u joogaan Deegaanka Xasilin iyo ilaalinta Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Dowlada Federaalka ayaa iyana Ciidamo keentay Gobolka Gedo iyagana sidii kale waxaa la sheegey iney u joogaan Deegaanka Xasilin iyo inay ilaaliyaan Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Dhanka Kenya iyana waxaa ku sugan Ciidan Kenyan ah oo dusha ka ilaalinaya Xuduudooda.

Puntlandi.com
Kosmaayo.

<