Faahfaahin kale Dhuusamareeb oo mar kale Dagaalkii sii xoogeystay

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Ehlu Suna ayaa wali ku dagaalamaya Gudaha Magaalada Dhuusamareeb iyadoo Dagaalku uu hada ka socdo meel aan ka fogayn Xarunta Ehlu Duna ee Inji, halkaasoo Dagaalku uu markii horeba ka bilowdey.

Taliye ka tirsan Ciidanka Dowlada ayaa naloo xaqiijiyey inuu ku jiro Dadka ku dhintay Dagaalka.

Ciidamada Dowlada ayaa gadaalnuga firtal meeshii ay horay Dagaalka uga bilaabeen.

Ciidamada Ehlu Duna waxaa goordhaweyd soo gaaray Ciidan Gurmad ah oo ka yimid banaanka Dhuusamareeb .

Dhimashada ilaa hada waxaa naloo xaqiijiyey Sedex Askari oo Ciidamada Dowlada Federaalka ah iyo 4 Ehlu Duna ah, dhimashadu intaa Way ka badan kartaa.

Wariye ku sugan meel aan ka fogayn Dagaalka ayaa noo xaqiijiyey in dhawac gaaraya 7 la geeyey Isbitaalka.

Dad Rayidka ayaa iyana lagusoo waramayaa in xabado Biiftq ah ay ku dheceen laakiin waa dhawac.

Lama xaqiijin karo cida ku gacan saraysa Dagaalka.

Puntlandi.com
Dhuusamareeb

<