Ciidamadii Turkigu soo tababaray oo ku dhintay Dagaalkii Dhuusamareeb

Korneyl Xuseen Cabdullahi iyo Askariga loo yaqiin Ugaaska labadaan waxaa soo tababaray Turkiga, Waxay maanta ku dhinteen Dagaalkii Dhuusamareeb

Sadex Askari oo kamid ahaa Ciidamadii Turkigu tababaray ayaa kamid ahaa Askartii ku nafwaydey Dagaalkii maanta ka dhacay Dhuusamareeb.

Askartaan oo kamid ahayd Ciidamadii ay Dowlada Federaalku geeyeen Dhuusamareeb xiligii Doorashada ayaa mid kamida uu ahaa Sargaal.

Siyaasiyiinta Mucaaradka Xukuumada Federaalka ayaa Dowlada Federaalka waxay ku eedeeyeen in Ciidamada ay Soomaaliya usoo tababareen Wadamada Saaxiibada Soomaaliya ay Dowladu u adeegsatay qaab qaldan oo Shaqsiyaad iyo dano gaara iyo in ay Colaad ka abuuraan Deegaanada ugu nabdoonaa Dalka.

Waxay kaloo Xukuumada ku eedeeyeen in Ciidamadii Dalka loo adeegsadey Inay la dagaalamaan Ciidamadii (Ehlu Suna) ee Al-Shabaab ka xoreeyey Gobolada Dhexe.

Ciidamada Dowlada ee lagusoo tababaray Turkiga ayaa qaybo kamidaiyana waxay Xukuumadu geysay Gobolka Gedo halkasoo ay hada ka jirto Colaad lamida mida Dhuusamareeb.

Puntlandi.com
Dhuusamareeb

<