Breaking News— Dagaal caawa fiidkii mar kale ka dhacay Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb waxaa caawa fiidkii ka dhacay Dagaal wakhti kooban socdey kadib markii Ehlu Suna ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Fariisin ay lahaayeen Ciidanka DF.

Wararku waxay sheegayaan in Rasaas xoogan oo mida nusaac ah socotay ay isdhaafsadeen labada dhinac.

Khasaaraha rasmiga ah ilaa hada Lama oga laakiin warar ayaa jira sheegaya in laba Askari ay ka dhinteen Ciidamada Dowlada Federaalka.

Dhanka kalena waxaa labada dhinac soo gaaray Galabta Ciidamo Gurmad ah.

Dowlada Federaalku waxay Muqdisho kasoo dirtay 150 Askari oo Diyaarad lagu keeney.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<