Breaking News— Jubbaland oo Ciidan u dirtay Baladxaawo

Waxaa Xalay Fiidkii Magaalada Dhoobley ka baxay Ciidan aad u hubeysan oo ka tirsan Ciidanka Lugta ee Jubbaland, Ciidankaan waxay kusii jeedaan Baledxaawo si ay u xoojiyaan Ciidanka Jubbaland ee ku sugan Deegaankaas.

Sida ay Jubbaland Sheegeen Ciidamadaan waxay ka qayb qaadanayaan Xasilinta Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya waana Ciidan Gaara oo loo tababaray Shaqada loo diray.

Wararku waxay kaloo sheegayaan in Jubbaland ay ku jiraan Abaabul ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidankaan ay Jubbaland u direen Baladxaawo waxay ku soo aadeysaa xili ay Maraykanku ku eedeeyeen Dowlada Federaalka iney Ciidamo geeyeen Gobolka Gedo isla markaasna ay amreen in Ciidamadaan laga saaro Gobolka.

<