Beesha Caalamka oo xasilooni Siyaasadeed dhex dhigtay Mucaaradka iyo Xukuumada Soomaaliland

Warbixintii uu ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya uu ka gudbiyey Soomaaliya ayaa Soomaaliland waxaa lagu canaantay iney dhameeyaan Khilaafka Siyaasadeed isla markaasna Doorashada Goloyaadhu ay ku qabsoomaan Wakhtigooda.

Dhanka kalena Nicolas Berlanga oo ah wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo maalmahaan ku sugnaa Hargeysa ayaa xoojiyey hadalkii Qaramada Midoobey wuxuuna ku cadaadiyey Mucaaradka iyo Xukuumada Muuse Biixi iney heshiis wada gaaraan.

Maanta ayay labada dhinac wada gaareen heshiis laba qodob uu Saldhig u yahay, Qodobadasoo ah

-In Doorashooyinka ay dhacaan 2020 isla markaasna ay Xukuumadu joojiso qorshihii Lagu furayay Ururada Siyaasada oo Wakhtigeeda la sugo, Wakhtiga furashada Ururada Siyaasada waxaa ka dhiman Labo Sano.

– In Gudiga Doorashada ee lagu muran santahay labadalo oo la dhiso Gudi cusub kasoo loo marayo sida xeerku uu qabo.

Arintaan waxay guul u tahay Xisbiyada Ucid iyo Wadani oo maalmahaanba muujinayaa Cabashooyin xoogan.

Puntlandi.com
Hargeysa

<