Maraykanka oo dhaliilay Sharciga Doorashada Ee todobaadkii hore la saxiixay

Rodney Hunter, Madaxa Siyaasada ee Xafiiska Maraykanku ku leeyahay Qaramada Midoobay ayaa dhaca ka qaadey in Sharciga Doorashada ee Soomaaliya uu yahay mid aan Macquul ahayn, wuxuuna ku tilmaamay mid an suura galinayn Doorasho.

Khudbad uu ka jeediyey Rodney Hunter, Political Coordinator U.S. Mission to the United Nations. Golaha Amaanka ayuu ku sheegay in Khilaafka ka dhexeeya Dowlada Dhexe iyoMaamul Goboleedyada uu dhaliyey in Dowladu ay soo saarto Sharciga Doorashada iyadoo lagu muran samt ahay isla markaasna aysan ka tala galin Maamulada, wuxuu Arintaas ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.

Rodney Bunter wuxuu sheegey in Sharcigaan uu u muuqdi mid Wakhtiga lagu kororsanayo, wuxuuna raaciyey waxaa Arintaas qaba Maamulada qaarkood.

Hadalka kasoo yeeray Maraykanku wuxuu muujinayaa in Reer Galbeedku aysan ku qanacsaneyn Hanaanka ay Xukuumadu usoo diyaarinayso Doorashada waxayna ka walwal qabaan in Doorashada wakhtigeeda ay ku dhici waydo.

Puntlandi.com
Garowe

<