Breaking News.. Dowlada Ingiriiska oo ka dambeysay Dharbaaxadii ay Beesha Caalamku ku dhufteen Villa Soomaaliya


Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey waxay shalay dhageyteen Warbixintii uu Xafiiska UNSOM iyo Maraykanku ay kasoo gudbiyeen Arimaha Soomaaliya, Warbixintaasoo dharbaaxo Siyasadeed ku ahayd Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Maraykanku wuxuu muujiyey rajo xumo ku aadan qaabka loo wado Arimaha Doorashada waxayna ka dhawaajiyeen in Xukuumadu u gogol xaaranayso mudo kororsi. waxay kaloo Xukuumada ku eedeeyeen in Ciidamo ay geysay Gobolka Gedo iyadoo khatartii Al-Shabaab ay sii xoogeysaneyso.

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa waxay sheegaysaa in Dublamaasiyiinta Ingiriiska ee Ku sugan Soomaaliya ay kulan ka dhacay Nairobi bishii hore ay soo hadal qaadeen Dhamaan Erayada ay adeegsadeen Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya iyo Dublamaasigii Maraykanka ee Warbixinta ka hor akhriyey Golaha Amaanka.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ingiriisku uu Waayadaanba u ololaynayay Arimo qaab Dublamaasiyadeed ah oo ka dhan ah Villa Soomaaliya.

Sida muuqata Ingiriisku wuxuu wali ka caraysan yahay Qaabkii loo Maareeyey Doorashadii Koonfur Galbeed ee Xukunka uu kula wareegay Madaxweyne Lafta Gareen iyo eryidii ay Dowlada Federaalku Eryeen Ergayga Gaarka ahaa ee Qaramada Midoobey.

Puntlandi.com
Nairobi

<