Madaxweyne Axmed Madoobe oo Dhoobley gaaray iyo Howlgalka Xoreynta Buu’aale oo bilaabanaysa

Iyadoo Ciidamada Jubbaland ay ku guda jiraan isu diyaarinta Dagaal baaxadweyn oo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa hadana Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu baadigoob ugu jiraa inuu Ciidamada u helo Garab Gudaha iyo Banaankaba ah.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu hada ku sugan yahay Dhiobley oo saaka soo gaaray wuxuuna kulano kula qaadanaya Waxgaradka Deegaanka kadibna dhinaca Kenya ayuu wuxuu kula kulmayaa Saraakiil ka socda Dowlada Kenya oo ay kawada hadlayaan Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay soo doyaariyeen Dowlada Jubbaland.

Ilo ka agdhow Madaxweynaha ayaa Puntlandi.com waxay u xaqiijiyeen in Ciidamada Kenya iyo kuwa ajubbaland ay iska kaashanayaan Xoreynta Deegaanada ku jira gacanta Al-Shabaab.

EAA markii u horaysay ee ay Awood intaa le’eg ay soo bandhigayaan Ciidamada Jubbaland tasoo muujinaysa in Howlgalkaan uu yahay mid baaxad weyn oo laga filayo in guul laga gaaro.

Puntlandi.com
Kismaayo

<