Madaxweyne Deni oo booqdey Xarunta Ciidamada Maraykanka ee Africom

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay booqdey Xarunta ugu weyn ee Ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Afrika oo ku taal Jabuuti.

Safarka Madaxweyne Deni ayay qayb ka ahayd inuu Xarunta Africom uu kula kulmo Saraakiil iyo Dublamaasiyiin Maykan ah.

Sida ay xogta ku hayaan Howlwadeenada Puntlandi.com booqashada uu Madaxweynuhu ku tagay Xaruntaan ma ahayn mid la shaaciyey ama loo ogolaa Saxaafada.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Maraykanka waxaa looga wada hadlay Amaanka Doomaaliya iyo kaalinta Maraykanku uu ka qaato iyo waliba Qorshaha Maraykanka uu ku caawinayo Soomaaliya e Mustaqbalka soo socda.

Warar waxaa jira sheegaya in Madaxweyne Deni lagala hadlay Saldhig Malatari oo Maraykanku uu Doonayo inuu ka furto Bosaso iyo Garacad.

Puntlandi.com

Jabuuti

<