Ehlu Suna Waljameeca oo si dadban loogala wareegay Dhuusamareeb

Mudo toban sano ah ayay Dhuusamareeb ahayd Xarunta Ehlu Suna Waljameeca, laakiin hada waxay u muuqataa inay gacantooda ka baxdo Magaaladu.

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Qoorqoor waxaa jirahoelgalo ay Xukuumadiisu ula wareegayso gacan ku heynta Magaalada.

Isaga oo gacan ka helaya Dowlada Federaalka waxay Ciidamada Dowlada Federaalku la wareegeen inta badan dhismayaasha Dowlada waxayna Magaalada kusoo togeen Bandow dadban.

Bandowgaan wuxuu sahlayaa in Ciidamada Dowladu ay si fudud u fuliyaan Howlgalkooda ka dhanka ah Awooda Ehlu Suna.

Saaka oo Axada 23/2,2020 waxay Ehlu Suna sheegeen inay iska dhicin doonaan Madaxweyne Qoorqoor iyo Dowlada Federaalka.

Xaalada Magaalada ayaa hada u muuqata in aan ka furanayn Dagaal dhex mara Ehlu Suna iyo Ciidamada Dowlada Federaalka ee tageeraya Madaxweyne Qoorqoor.

Puntlandi.com
Gakcyo

<