Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u Tacsiyeey Waalidiintii Ciidamadii Shabaabku ku xasuuqeen weererkii Ceel Salliini, Dawladana ku eedeyey in ay Waliidintii ka qarinayaan Wiilashoodii la dilay

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta u Tacsiyeey Waalidiintii iyo Eheldii Ciidamadii Somaaliyeed ee Kooxda Alshabaab ku Xasuuqeen wererkii ay ku qadeen Xerada Ciidanka ee Ceel Salliini.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa barta uu ku leeyahay Faceboob soo dhigay qoraalkan :

Allaha u naxariisto ciidankii shuhaddada ahaa ee lagu laayay Ceel Salliini. Waxaan xog ku heynaa in ciidankaas la dayacay, cadawgana loo baylahiyey. Tiro 3 jeer ayaa la soo wareeray, iyadoo ay Alshabaab mar walba ciidan caabboon ku soo weerarayeen xerada. Ma jiro ciidan beddela, ama lagu xoojiyo ciidanka la laayey, sababtuna waa in ciidankii xoogga dalka loo daabulayo in lagu qabsado deegaanno nabad ah oo Alshabab laga xoreeyey.

Madaxda Dowladda Federaalka waxay qarinayaan ciidanka ay Alshabaab laayeen, warbaahintana waxay ku cadaadiyeeen in aysan ka hadal. Waxaa kaloo wax laga naxo ah in aysan Aaskooda tegin, eheladooda u tacsiyeynin, agoontii ay ka tageena booqan, kuwii ka harayna niyadda u dhisin. Dad sidaa u dhaqmaya miyaan ka rumaysan karnaa in ay ciidan dhisayaan, cadawga Alshabab-na jebinayaan.

Wakhti sii horeeyey oo maanta ayey Kooxda Al Shabaab ku soo bandhigeen Khasaarihii balaarnaa ee ay u geysteen Ciidamad Dawlada ee fadhigoodu ahaa Ceel Salliini.

Kooxda AlShabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay Hub, Gadiid,Sahay iyo Qalab ciidan oo ay ku qabsadeen Xeradii Ciidanka ee Ceel Salliini.

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<