Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland oo Shir Jaraa”d qabtay Muuse Biixina ku tilmaamay Kaligii taliye

Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland oo maanta oo sabti ah shir jaraa’id Hargeysa ku qabtay ayaa eedeyn kulul usoo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi,

Cabdiraxmaan Ciro oo Xisbiyada Mucaaradka u hadlay ayaa wuxuu Madaxweyne Biixi ku tilmaamay Kaligii Taliye inuu u xuubsiibtay isla markaasna doonayo inuu Wakhtiga kororsado.

Ciro wuxuu kaloo sheegay in ay Xukuumadu doonayso inay sameyso Urur siyasadeedo u Adeega Muuse Biixi waxayna ku tilmaameen Xeelad uu Wakhtiga ku korarsanayo.m

Ciro wuxuu kaloo sheegay in Madaxweynuhu uu Xisbiyada Mucaaradka banaanka ka joojiyay ka tala bixinaa Soomaaliland, wuxuu tusaale usoo qaatay Kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo kaalinta Itoobiya.

Puntlandi.com
Hargaysa

<