Magaalada Dhuusamareeb oo maanta kacsan ka dib dhaqdhaqaaq Ciidan oo Magaalada ka jira

Ciidamada Dowlada Federaalka ee ka Amar qaata Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxay Magaalada ka wadaan dhaqdhaqaaq ka dhan ah Ahlu Suna iyo Madaxweynohooda Sheikh Shaakir.

Maalmahaanba waxaa socday howlgal ay Ciidamada ku banaymayeen Goobaha Dowlada laakiin Ahlu Suna ayaa kasoo hor jeeda howlgalkaas.

Shacabka waxaa soo wajahay cabdi ay ka baqayaan in Ciidamada ku sugan Magaalada ay isku dhacaan.

Magaalada waxaa wada jooga laba Madaxweyne oo mid walbaa uu isagu sheeganayo inuu yahay kan Sharciga ah, inkastoo sida hada muuqata uu Mdaxweyne Qoorqoor ku awood badan yahay Magaalada.

Si dadban ayaa loo wiiqay Awoodii ay Ahlu Suna ku lahaayeen 10 kii sano lasoo dhaafay Magaalada Dhuusmareeb.

Madaxweyne Qoorqoor wuxuu doonayaa in Ay Ehlu Suna baneeyaan Xarunta Inji oo ah Dhismaha ay deganntahay Xukuumada Ehlu Suna, waa Arinta dhalisay cabsi isku dhac.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<