Goobaha Ganacsiga ee Magaalada Gaalkacyo oo Albaabadu Xiran yihiin, Maxay tahay sababtu?

Ganacsatada yaryar ee Magaalada Gaalkacyo ayaa ka cabanaya Canshuur dheeraada oo lagu soo ragayiney bixiyaan.

Maalintii Sadexaad ayaa u socota Mudaharaadka ay Ganacsigooda ku xireen Ganacsatadu iyagoo sheegey iney sii qaadayaan ilaa xal laga gaarayo.

“Dowlada Puntland ayaa Canshuurta kor u qaadey, Xiliyadii dambana Suuqa Magaaladu ma fiicneyn oo Guud ahaan Dhaqaalaha Gaalkacyo hoos buu u dhacay waayadaan dambe” Waxaa sidaas yiri Muxubo Jamac oo kamida Ganacsatada yaryar ee Jidadka Gaalkacyo.

Wasaarada Maaliyada ee Dowlada Puntland oo iyadu Masuul ka ah Canshuuraha kama aysan hadal Dhaqaalaha xumada Gaalkacyo laga sheeganayo.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<