Ciro iyo Faysal Cali Waraabe oo daboolka ka qaadey in Biixi loo balan qaadey Lacag si uu ula kulmo Farmaajo

Kulan Saxaafadaha ay si Wadajir u qabteen Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland ayay waxay uga hadleen Xaalada Guud ee Soomaaliland iyo Maanta meesha ay wax Maraykan.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo ka hadlayay Wadahadalada la sheegey iney Hargaysa ku yeelanayaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayuu sheegey in Itoobiya ay codsatay in ay dhexdhexaadiso labada dhinac.

Ciro wuxuu Madaxweyne Biixi ku eedeeyay inuu Shacabka been u sheegayo oo uu xaqiiqada ka qarinayo “ Wax walba oo masiirka Soomaaliland ku saabsan kaligiis baa qol kusoo xirtay, kulankii Adis Ababa iyo wafuudii inoo ka timid Itoobiya wax talo ah kama uusan galin Mucaaradka, wuxuu kala tashadaa oo qura koox uu Madaxtooyada kula shiray, Dalku khatar buu ku socdaa” ayuu yiri Biixi.

Faysal Cali Waraabe oo isna goobta ka hadlay wuxuu sheegey in hada ka hor la yiri Madaxweynaha Soomaaliya kula kulma Jabuuti, taa badalkeeda waxaad helayaan 45 Milyan oo Dollar oo qayb ka ah Barnaamijka Deyn cafinta, Waan diidnay ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Lacagtaas aan horay u diidnay ayuu u hanqal tagayaa Biixi oo uu dhaafsaday masiirkii Umada Soomaaliland, waakaas Raysal wasaarihii Oyoobiya Rmaaraatkuu tagay oo yiri Doomaaliya iyo Soomaaliland waan heshiisiiyay” waxaa sidaas yiri Faysal Cali waraabe.

Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland shirkooda Jaraa’id ee ay maanta qabteen waxay kusoo gunaanadeen In Xukuumada Muuse Biixi Cabdi ay gabi ahaan Dalka afduubtay ayna taladii ka dhigeen Kaligiis Taliye.

Puntlandi.com
Hargeysa

<