Naqshada Bank of Puntland oo lasoo bandhigay

Bangiga Dowlada Puntland ayaa wuxuu yeelanayaa dhisme cusub oo Amaankiisuvaad u sareeyo, Sidacay Puntlandi.com u sheegeen Xubno ka tirsan Wasaarada Maaliyada Puntland.

Dhismaha Aqalka Bangiga oo ay horay ugu guulaysatay Shirkada AlBASHID Construction Company (ACC) ayaa waxay soo bandhigeen Naqshada Aqalka oo ka koobnaan doona Sadex dabaq.

Kharasha loo qoondeeyey oo ay bixineyso Dowlada Puntland Ayaan wali la shaacin inkastoo loo badinayo iney ku bixi doonto Aduun aad u farabadan.

Xukuumada Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni waxay sanadkii hore bilowdey dardar galinta soo xeraynta Canshuuraha oo qaab casriya oo Electronic (Digital) ah loo soo ururinayo .

Bank of Puntland oo laga dhisayo bartamaha Garowe wuxuu noqondoonaa Xarunta ay sida tooska ah ugu soo xeroonayaan Dhamaan Canshuuraha Puntland.

Puntlandi.com
Garowe

<