Madaxtooyada Jabuuti maxay ka yiraahdeen kulankii Labada Madaxweyne ee Jabuuti iyo Puntland

Madaxtooyada Jabuuti ayaa Qoraal Af-Faransiiska ku qoran waxay kasoo saareen kulankii shalay dhex maray Madaxweynaha Jabuuti iyo Puntland,

Qoraalka oo aan soo turjunay waakan hoos ku qoran ee Akhriso

Madaxweynaha jamhuuriyadda mudane, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta, salaasadii, aroortii hore qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Puntland, Mudane Saciid C / llaahi Deni oo hogaaminayay wefti balaadhan oo ku joogay Jabuuti booqasho 48 ee lasoo dhaafay.

 Booqashada Madaxweyne Deni, oo ah tii ugu horeysay ee uu ku yimaado Jabuuti, ayaa qayb ka ah xiriir toos ah iyo mid isdaba-joog ah oo isdhaafsan doonaan hoggaamiyeyaasha labada dhinac.

Xiriirka saaxibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo puntland ayaa looga wada hadlay intii kulanku socday.

 Waxaa kaloo kulanka looga wadahadlay Iskaashi istiraatiiji ah oo ay labada dhinac ka yeeshaan dhowr arrimood oo dano weyn ugu jiraan labada dhinacba , oo ay ka mid yihiin is-waafajinta dhaqaalaha iyo iskaashiga amniga.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa wuxuu bilow cusubbu u noqonayaa iskaashi weyn oo ku salaysan Siyaasad degan, Ganacsi iyo Kawada shaqaynta Amaanka labada dhinac,Mashruuca hada Gabagabada ah ee Isgaarsiinta Casriga ah ayaa tusaale loo soo qaatay.

 Arintan, wadahadalada ayaa inta badan diirada lagu saaray Xaalada Guud ee Soomaaliya iyo kaslinta Jabuuti ka qaadato Soomaaliya iyo Guud ahaanba Geeska Afrika, waxaa kaloo la iskasoo qaadey Xaalada Siyaasadeed ee hada Soomaaliya ku sugan tahay iyadoo labada Hogaamiyo ila meel dhigeen qaabka ugu haboon ee loo wajihi karo in la helo Soomaaliya awood leh oo la tartanta Geeska Afrika.

 Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mahamed Abdi Isman iyo Wasiirka Beeraha Ismael Diiriyeh ayaa ka qeyb qaatay kulanka.

 Dhinaca Jabuuti, Wasiirka Isgaarsiinta Radwan Cabdillaahi Bahdon, Wasiirka Gaadiidka Moussa Maxamed Axmed, Xoghayaha Guud ee Madaxtooyada M Maxamed C / llaahi Wayaac iyo safiirka Jabuuti ee Muqdisho Aadan Xasan Aadan ayaa ka qeybgalay kulankan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu yiri ” Jabuuti, waaa gurigaygii Waxaan wadaagay Isir , walaaltinimo iyo dhaqan Waxaan nahay Dad isku Qoys ah, Cadowga Jabuuti waa Cadawgayaga, Horumarkayaga waa horumarka Jabuuti, 30 Sano waxay Jabuuti raadineyso Oo Garab taagneyd Shacbiga Soomaaliyeed iyo Dowladnimadooda, Waan uga mahadcelineynaa Shacabka Iyo Dowlada Jabuuti”

Madaxweynaha Puntland wuxuu sii joogayaa Jabuuti maalmo si loosii Xoojiyo Xiriirka labada Dhinaca.

Madaxtooyada Jabuuti

<