Askar kasoo goostay Dowlada Federaalka oo Baledxaawo isusoo dhiibay Jubbaland

Askar hor leh oo kasoo goostay Dowlada Federaalka ayaa waxay ku biireen Ciidamada Jubbaland ee ku sugan Duleedka Baledxaawo.

Askarta oo tiro ahaan gaaraya 9 Askari oo hubeysan ayaa waxay daba socdaan 35 Askari oo horaantii bishaan feberaayo isu soo dhiibay Jubbaland.

Gobolka Gedo wuxuu hada la ciir ciirayaa Ciidamo iskasoo horjeedaa oo Gobolka lagasoo buuxshay laga bilaabo dabayaaqadii bishii hore ee Janaayo ilaa hada.

Dowlada Federaalka ayaa waxay doonayaa iney Gobolka ka jarto Maamulka Jubbaland.

Puntlandi.com
Kismaayo

<