Muuse Biixi runta ma u sheegay Shacabkiisa

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Wuxuu shalay la hadlay Shacabka Soomaaliland isagoo Guud maray marxalado dhowra oo horyaal Xukuumadiisa iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Muuse Biixi wuxuu isagoo caro ka muuqato uu uu ka hadley Hadal heyntii ahayd in Farmaajana imaanayo Hargeysa.

Khudbadiisii iskusoo duuboo waxay muujineysaa inuusan waxba ka ogayn uuna sinaba u aqbaleyn in Farmaajo uu Hargeysa yimaado.

Laakiin Wararka Dublamaasiyadeed ee ay Warbaahinta Puntlandi.com helayaan waxay sheegayaan in Raysal wasaaraha Itoobiya uu wali wado Qorshihiisii ahaa inuu Madaxweyne Farmaajo uu keeno Hargeysa, taasna Madaxweyne Muuse Biixi wuu ogyahay.

Safarka Wasiirka Maaliyada Itoobiya Cabdi Shido uu Hargeysa ku tagay maanta wuxuu hordhac u yahay oo isna Hargeysa kusoo wajahan Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya.

Safarka Wasiiradu wuxuu kaloo hordhac u yahay Safarka Raysal wasaare Abiye iyo Madaxweyne Farmaajo ay Hargeysa ku tagayaan.

Gabaygii uu Muuse tiriyey shalay iyo Khudbadiisii caradu ka muuqatay waxay ahayd Boor isku qarin ee waxaa jira culaysyo badan oo uusan Shacabka u sheegi karin.

Wararka ay Puntlandi.com helayaan waxay aad u adkeynayaan in uu jiro wali qorshihii Farmaajo ku iman lahaa Hargeysa, waana hamiga ugu weyn ee Raysal wasaare Abiye Ahmed.
puntlandi.com
Adis Ababa

<