Daawo Raisal Wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Cabdi Yusuf oo maanta sheegay in Xoog Military lagu soo celiyo Somaliland.

Raisal Wasaarihii hore ee Dawaladii Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad Xasan ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee Cariga Jabuuti Mudane Maxamed Cabdi Yusuf ayaa maanta isagoo u waramaaya Televisionka Shabelle sheegay in waajib Qaran tahay in Cudud iyo Xoog Military loo adeegsado Somaliland, si loo ilaaliyo midnimada umadda Somaaliyeed.

Mudane Maxamed Cabdi Yusuf oo ka mid lataliyayaasha aad ugu dhow Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa aad uga soo horjeestay in wax raali galin ah laga bixiyo dhibkii la sheegay in xukuumadii Maxamed Siyaad Barre u geystay Shacbiga Somaaliyeed ee ku dhaqan Gobolada Woqooyi.

Mudane Maxamed Cabdi Yusuf ayaa hore u beeneyey oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Xasuuqi Xeebta Jaziira loogu geystay Shacbi ka soo jeeda Beesha Isaaq Sannadkii 1989 kii.

Raisal Wasaare hore Mudane Maxamed Cabdi Yusuf iyo Jeneraal Cabdiraxmaan Guulwade oo ahaa Xubno la soo shaqeeyey,isla markaana aad ugu dhowaa Hogaamiyihii Kacaanka Maxamed Siyaad Barre ayaa lagu tilmaama kuwo saameyn weyn oo Siyaasadeed ku leh Xukuumada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Halkan ka dhegeyso wareysigii maanta ee Mudane Maxamed Cabdi Yusuf

Sidoo kale halkan ka daawo Maxamed Cabdi Yusuf oo beeneyey Xasuuqii Jaziira 1989 kii.

Halkan ka daawo Jeneraal Cabdiraxmaan Guulwade oo difaacay burburkii Dawladii Maxamed Siyaad ka geystay Waqooyiga Dalka

<