Breaking News—Bas ka yimid Mandheera oo u socdey Nairobi oo dhexda loo galay

Bas ka yimid Magaalada Mandheera oo u socdey Nairobi ayaa kooxo hubaysan ay jidka u galeen, kooxdaasoo loo badinayo iney yihiin Al-Shabaab.

Sadex Qof ayaa weerarka ku geeriyoodey kadib markii Maleeshiyo hubeysan ay Rasaas ooda uga qaadeen Baskii ay saaraayeen.

Darawalka Basku wuxuu isku dayay inuu gaariga xoog u wado si uu iga baxsado weeearka laakiin waxay kooxdii hubeysneyd ay rasaas huwiyeen Baska Ouagadougou rasaasta qaar ay ku dhacdey taayirada Baska.

Khasaaraha rasmiga ah Wali Faahfaahin kama aysan bixin Ciidamada Amaanka Kenya.

Basku wuxuu kasoo baxay saaka Magaalada Mandheera wuxuuna kusii jeeday Bairobi.

Xuduuda waxaa maalmahaan ku sugnaa Ciidamo farabadan oo Muqdisho laga keeney, Lama oga sababta keentay in Al-Shabaab ay soo dhaafaan Ciidamadaan oo ay kadib Falkaan ka geystaan Gudaha Kenya.

Puntlandi.com
Garisa

<