Xildhibaan Mahad Salaad : – Gacanqabashada Gacanta la hayo Madaxweyne Farmaajo ma gacaltooyaa mise garasho yari..?

Xildhibaan Mahad Salad oo la yaaban hab dhaqanka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoray Weerahan iyo Masawiradan

= Kenya ayaan safar ku tagayaa ayuu yiri, Abiy Ahmed ayaa gacanta intuu i qabtay i geeyay!

= Erateriya ayaan safar ku aadayaa ayuu yiri, Abiy Ahmed ayaa hadana gacanta i qabtay oo geeyay!

= Maamuladii uu Madaxweynaha u ahaa ayuu tagi waayay, Abiy Ahmed ayaa saraakiil Oromo ah iyo ciidamo Itoobiyaan ah ku daray si loo geeyo!

= Maantana Abiyow ayaa damcay inuu Hargeysa i geeyo ayuu leeyahay. Horta Madaxweynaheena in gacanta la qabto mooyee kaligiis meel ma tagi karo miyaa?!

<