Madaxweynaha Dowlada Puntland oo si diiran loogusoo dhaweeyey Jabuuti

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo ay maanta u bilaabatay booqasho todobaad ah oo uu ku joogo doono Dalka Jabuuti ayaa si diiran loogusoo dhaweeyey halkaas.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaalad, Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yusuf iyo shan Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Jabuuti ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Jabuuti.

Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com ay xogta ku hayaan Madaxweynaha Dowlada Jabuuti oo casumay Madaxweyne Deni ayaa waxay ka wadahadlayaan Arimaha Soomaaliya.

<