Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Farmaajo tolkiis ha qabsado hadii kale sidaan isaga qaban lahayn waa noo diyaar”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Wadani waraysi bixiyey ayaa wuxuu sheegey in Madaxweyne Farmaajo uu wali ku hamiyayo inuu Wakhtiga dheeraysto.

Siyaasi Cabdirahmaan Cabdishakuur wuxuu hoosta ka xariiqay in Siyaasiyiinta Dalku ay ka go’an tahay ayna rmtalasbo kasta qaadayaan hadii uu Madaxweynuhu isku dayo inuu maalin ku daraado.

Waxaa noo docda Wada hadal, Waad la socotaa oo Gogol baa taal Puntland, waan ka tashanay wax walba oo Madaxweyne Farmaajo ka suurowda, Hal maalin looma kordhinayo Xukuumada haday isku dayaana waan haynaa talaabadaan qaadi lahayn, Waan ogtahay oo lataliyaal fiican ma uu heysto laakiin Waxaan leenahay Tolkiis ha qabsadeen” Waxaa sidaas yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalka kasoo yeeray Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu u muuqdaa in Siyaasiyiinta Mucaaradku ay u diyaar garoobeen Dagaal ka dhan ah Villa Soomaaliya hadii Madaxweyne Farmaajo uu ku adkeysto inuu qabanayo Doorasho Hal Qof iyo Hal Cod ah.

Puntlandi.com
Kismaayo

<