Breaking News— Xog Madaxweyne Farmaajo oo codsadey inuu Puntland yimaado iyo Puntland oo diidey

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen ilo Dublamaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Farmaajo uu Madaxweyne Deni ka codsadey inuu Garowe yimaado.

Bishaan bilowgeedii ayuu Madaxweyne Farmaajo ergo u diray Madaxweyne Deni, ergadaasoo ahayd qaab Xiriirka teleefoonka ah, waxayna Ergadu ay Madaxweyne Deni u sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo inuu Garowe yimaado si looga wadahadlo Khilaafka labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu si cad u hor istaagay Imaatinka Madaxweyne Farmaajo isagoo sharuudo dhowra hor dhigay, Sharuudahaas wuu ka biyo diidey Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ay Puntlandi.com helayaan waxay sheegayaan in Puntland ay u aragtay Qorshaha Madaxweyne Farmaajo mid uu doonayo inuu ku qaldo indhaha Beesha Caalamka oo ku cadaadinaya inuu la heshiiyo Maamul Goboleedyada .

Xogtubwaxay sheegaysaa in mudo todobaad ah uu socdey ukala dabqaadidi labada dhinac laakiin Natiijada waxay kusoo biya shubatay in uu Madaxweyne Deni diido Imaatinka Farmaajo ee Garowe.

Qorshahaan uu Madaxweyne Farmaajo ku doonayay inuu Garowe ku yimaado wuxuu dhabar jab ku noqon lahaa Maamulka Jubbaland hadii loo yeeli lahaa sida uu rabo Madaxweyne Farmaajo.

<