Raysal wasaaraha Itoobiya oo ka laabtay qorshihui isaga Iyo Farmaajo ku tagi lahaayeen Hargeysa

Warar aan kasoo xiganay Dad aad ugu dhow Itoobiya waxay noo sheegeen in Soomaaliland iyo Itoobiya ay isla meel dhigeen in lagalaabto qorshihii ay Raysal wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Farmaajo ku tagi lahaayeen Hargeysa.

Buuq Shacab oo shalay warkaan ka dhashay Magaalada Hargeysa iyo Guud ahaan Soomaaliland ayaa sabab u ahaa in Safarkaas la baajiyo.

Qoraalo ay shalay isdhaafsadeen Wasaaradaha Arimaha Dibada Itoobiya iyo Soomaaliland ayaa lagu go’aanshay go’aankaan.

Culays Siyaasadeed oo ku yimid Madaxweyne Biixi ayaa iyana sabab kale u ahayd in Itoobiya ay aqbasho codsiga Soomaaliland ee ahaa inaan loo keenin Madaxweyne Farmaajo.

Booqashada la sheegey in Madaxweyne Farmaajo ku imaanayo Hargaysa ayaa waxay ifisay waxyaabo badan oo qorsoonaa ama Dad badan shaki uga jiray kasoo ah in Siyaasada Hargeysa iyo Muqdisho labadaba laga maamulo Adis Ababa.

Soomaaliland waxay Itooboya ka codsadeen in Aan loo keenin Madaxweyne Farmaajo, taasoo macneheedu yahay in aysan soomaaliland iyagu aysan lahayn go’aanka Cida Hargeysa imanaysa.

Villa Soomaaliya iyana uma alaha awood in Madaxweyne Farmaajo uu yiraahdo maanta Hargaysaan Booqanayaa.

Cida kaliya ee go’aankaas gaari kartaa waa Adis Ababa.

Puntlandi.com
Hargaysa

<