Breaking News— Xukuumada Soomaaliland oo Qoraal ay u direen Adis Ababa codsadey in uusan Farmaajo iman Hargeysa

Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliland ayaa Qoraal ay u direen Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya waxay ku wargaliyeen in Uusan Hargeysa iman Karin Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com ay kasoo xigatay ilo Dublamaasiyadeed, Soomaaliland waxay ku wargaliyeen Itoobiya in Raysal wasaaraha Itooboya uu soo booqan karo Soomaaliland balse aysan aqbaleyn inuu horay usoo kaxeeyo Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ay Puntlandi.com heleen waxay tibaaxayaan in Warqadaan ay jawaab u tahay Fariin uu Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya ay usoo direen Soomaaliland fariintasoo lagu xoojinayay in Raysal Wasaare Abiye Ahmed iyo Madaxweyne Farmaajo ay yimaadaan Hargeysa.

Arimahaan ku xeeran Imaanshaha Madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa waa Qorshe dheer oo ay wada wadaan Itoobiya iyo Dowlada Emaaraatku, Sidaas waxaa Puntlandi.com u sheegey Dublamaasi ku sugan Adis Ababa.

Puntlandi.com
Adis Ababa

<