Breaking News — Dhaqdhaqaaq Ciidan oo saaka ka jira Baledxaawo iyo Cabsi Dagaal

Magaalada Baledxaawo waxaa hada ka socda Dhaqdhaqaaq Ciidan kadib markii ay Dowlada Federaalku ay ogaatay in Jubbaland ay Ciidan dheeraada keentay Deegaanka.

Waxaa saaka lagu waabariistay Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Deegaanka ka jira Sida Xogta aan ku helnay Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa waxay shaki ka qabaan in Jubbaland ay soo weerarayso, Xalay goor dambe ayaa laga war helay in Ciidamada Jubbaland ay heleen Gurmad u muuqda inay duulaan Dagaal galayaan, waxaa sidaas lagasoo xigtay Askari ka tirsan Ciidanka Dowlada.

Waxaa maalmahaan socdey Dadaal ay wadaan. Waxgaradka Gobolka balse wax natiijo ah lagama gaarin.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan iyo Ciidan uu wato ayaa maxay wali ku sugan yihiin Deegaanka halka DowladaFederaalku ay iyana Ciidamo kasoo buuxisay Deegaanka.

Puntlandi.com
Kismaayo

<