Golaha Shacabka Puntland oo soo dhaweeyey baaqii Madaxweynaha

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland syaa soo dhaweeyey baaqii Madaxweyne Deni iyo Golihiisa Wasiirada ay u direen Shacabka Puntland.

Xildhibaandubwaxay sheegeen in lagaaray xiligii Puntland ay ka tashan lahayd wax ka badaæka qaabka hada jira haba u horaysee Soomaalida kale.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore ayaa sheegay in Xildhibaanadu ay Garab taagan yihiin Go’aanka Xukuumada iyaguna ay diyaar u yihiin wixii sharci dajin ah oo Fududeynaya in Puntland ay ka fiirsato Mustaqbalkooda.

Madxweynaha iyo Xukuumada Waan ku Garab taaganahay go’aamadii ay shalay soo saareen, waxaana kala shaqaynaynaa sidii ku qabsoomi lahaa Shirweynaha Puntland 2020.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay wuxuu soo bandhigay Go’aamo dhowra oo kasoo baxay shir uu Xukuumadiisa kula yeeshay Bosaso, Go’aamadaas Waxaa kamid ahaa in la qabtobShirweyme Qaran oo Reer Puntland ay uga tashanayaan aayahooda.

Puntlandi.com
Garowe

<