Nuxurka Shirkii Golaha Wasiirada Puntland iyo Go’aamadii kasoo baxay oo Madaxweyne Deni u soo gudbiyey shacabka

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Galabta wuxuu Shir jaraa’id ku qabtay barxada hore ee Madaxtooyada Puntland ee Bosaso.

Madaxweynuhu wuxuu Shacabka Puntland u jeediyey khudbad dheer oo uu uga hadlay go’aamadii kasoo baxay Shirkii shalay ilaa saaka u socday Golaha Xukuumadiisa, Shirka ayaa shalay markuu bilowdey wuxuu ku bilowdey warbixin uu Madaxweynuhu uu Golaha Wasiirada kasiiyey Safarkiisii Nairobi iyo Waxyaabihii uu kalasoo kulmay. Dood dheer ayaa laga galay Guud ahaan ajandayaashii shirka, Shirku wuxuu ahaa mid xasaasi ah kasoo soo gaaray saaka oo jamce ahayd.

Golaha Xukuumada Puntland markay dhinac walba ka degeen Xaalada Soomaaliya waxay go’aansadeen in Shacabka Puntland ay aayahooda ka tashadaan, waxayna ku baaqeen Golaha Wasiiradu in Shirweyne Qaran ay Puntland yeelato bisha Maarso bilowgeeda.

Shirweynahaan wuxuu u qaab eg yahay kii Puntland lagu aasaasay, waxaana kasoo qayb galindoona Dhamaan Isimada Puntland iyo Siyaasiyiinta Reer Puntland heer Maamul iyo Heer Federaalka.

Sida muuqata Shirku ma ahan mid looga arinsanayo oo qura Xaalada hada taagan iyo Xukuumada Federaalka ah Xiriirkeeda, waa mid ku salaysan qaab dhaqankii ay Puntland kala kulantay Dowlada Dhexe tobankii sano ee lasoo dhaafay , waxaa isla markaasna Shirkaan ku cabiran yahay In Mustaqbalka soo socda xitaa aysan muuqan in Soomaaliya ay helindoonto Dowlad matasha Shacabka Soomaaliyeed.

Safarkii Madaxweynaha ee Nairobi iyo Khudbadiisa waxay muujinaysaa in Beesha Caalamku ay quus ka taagan tahay Soomaaliya, Waxayna u muuqataa in Puntland ay ka tashan doonto Soomaalida kale inta cagta loo dhigayo Siyaasada Dalka iyo waxyaabaha lagu heshiiyo, Waxaa kaloo muuqda in Beesha Caalamku ay u garowday Puntland, waxaa taas ayiday Hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federaalka Cabdullaahi Goodax Barr iyo Dagaalada ay Dowlada Federaalku hada ka wado Gobolada Dhexe iyo Gedo.

Xaalada hada taagan ee Soomaaliya

Golaha Wasiirada Puntland iyo Madaxweynuhu waxay baaq nabadeed u direen Shacabka Soomaaliyeed Guud ahaan, waxay Cambaareeyey Faragalinta Xukuumada Dhexe ku heyso Maamul Goboleedyada, Ciidamadii loosoo tababaray inay la dagaalamaan Al-Shabaab waxaa loo weeciyey inay carqaladeeyaan Gobolada uga nabdoonaa Koonfurta, Arintaas looma dul qaadan karo, ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Beesha Caalamku qudhoodu quus ayay ka taagan yihiin Xukuumada Dhexe, taas waxaa laga dhaadhan San karaa Khudbada Madaxweynaha.

Waxbarashada Puntland

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay inaysan mudneyn in loo jawaabo Goodax Bare balse uu ka hadlayo Waxbarashada Puntland.

Madaxweyne Deni wuxuu khudbadiisii ku yiri “Shahaado Qaran wax la yiraahdo ma jirto, Shahaadadu waa aqoonsi cadeynayan in Ardeyda uu soo dhigta Iskuul kuna soo baasay Imtixaanka, taasna waxaa ka jawaabikara oo qura Macalinka Dugsiga iyo cida gacanta ku haysa waxbarashada, Wax Shahaado Qaran la yiraahdo ma jirto, Ardeyda Puntland uma baahna Shahaado Bakaaraha lagu gado, waxaa Xamar ka jira Macalimiin Al-Shabaab ah oo Iskuulada wax kandhiga.

Madaxweyne Deni wuxuu si cabiran uga qanciyay Shacabka Nidaamka Waxbarashada Puntland, wuxuuna sheegey inaysan Soomaaliya aysan xiligaan ka jirin Nidaam lagu mideysan yahay, wuxuu kusoo gabagabeeyey in inta ay Puntland xukumaan aysan Ardeyda Puntland ka walwalin Waxbarshadooda, taas Anaga idinka balan qaadayna ayuu yiri.

Khudbadii Madaxweynaha ee ku saabsanayd go’aankii Isaga iyo Golihiisa Wasiirada waxay muujinaysaa in Ay Puntland garowsatay in xiligaanmla joogo xiligii si dhan ah looga wada tashan lahaa Mustaqbalka Dalka.

Hoos ka daawo Khudbada oo dhamaystiran

<