
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Galabta Bosaso kula hadlay Shacabka Puntland ayaa quus ka muujiyey Muqdisho sidaas awgeed wuxuu ku baaqay Shirweyne ay Puntland uga tashanayso aayeheeda iyo kan Soomaaliya.
Madaxweyne Deni wuxuu Cambaareeyey Dowlada Federaalka oo uu ku tilmaamay inay Ciidamadii loosoo tababaray Difaaca Shacabka loo leexiyey iney Dagaal ka huriyaab Magaalooyinka nabdoon sida Gobolka Gedo oo uu tusaale usoo qaatay.