Xaalada Gobolka Gedo oo wali kacsan iyo Odoyaasha Dhaqanka oo kukala dhex jira

Laba Ciidan oo kala ah Dowlada Federaalka iyo Jubbaland ayaa isku hor fadhiga Buulaxaawo kuwasoo laga cabsi qabo inay isku dhacaan,Shacabka Magaalada ayaa ka cabsi qaba in lagu dhex dagaalamo.

Odoyaasha Dhaqanka ee Gobolka ayaa ka dhex wada labada dhinac waanwaan nabadeed.

‘Tan iyo shalay Odoyaasha ayaa ladaba dhinac u ordayay ilaa hada xalwaara lagama gaarin, xaaladu ma fiicna, Magaalada Ciidamada harqiyey, marmar habeynkii Rasaas ayaa la maqlayaa, Shacabkuna waxay ku seexdaan kunasoo kacaan Cabsi”. Waxaa sida yiri Cabdinaasir Jamac oo kamid ah Shacabka Magaalada Buulaxaawo.

Wasiirka Amniga Jubbaland iyo Ciidankoodu waxay joogaan Dhanka Kenya halka Ciidamada Dowlada Federaalku ay ku sugan yihiin Buulaxaawo, labada dhinacba midka kale ayuu farta ku fiiqayaa oo leeyahay Magaalada ha isaga baxeen iyo Magaalada Masoo gali kartaan.

Wixii kasoo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com
Mandheera Kenya

<