Shacabka Gobolka Gedo oo ka carooday Xaalada ay Dowlada Federaalku ka abuurtay Gobolka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo badan geysay degmooyin Luuq, Doolow iyo Beladxaawo oo ka tirsan gobolka Gedo.

Tagitaanka ciidanka kadib waxaa ka dhashay xaalad jahwareer ah dadka ku nool Doolow oo ah meelaha ugu amniga badan Soomaaliya ayaa ka ashatkoonaya rasaas tirro badan oo si macna darro ah ay u ridaayaan CXD ee gobolka yimid.

Isku socodka gaadiidka ayaa hakad galay iyadoo buundada Doolow ay xireen ciidanka.

Waxbarashada iyo Ganacsiga ayaa kamid ah goobaha aan wali shaqeyneyn mudo seddex cisho ah.

Xaaladan ayeey dadka ku shegeen mid lumisay xasiloonidii iyo ammaankii lagu yaqaanay deegaan.

Hay’addaha samafalka ee ka hawlgali jiray degmooyinka Gedo ayaa hawl-wadeenadooda ajaanibta dhoofiyay walaac dhanka ammaanka ah

Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay xaaladaha jira hadda mid looga goleeyahay burburinta nidaamka iyo ammaankii jira.

Puntlandi.com

<