Madaxweyne Deni oo maanta Golaha Wasiirada ku shirinaya Bosaso ugana warbixinaya Xaalada Soomaaliya iyo Safarkiisii Kenya

????????????????????????????????????

Maanta waxaa Bosaso ka dhacaya Shirka Golaha Wasiirada Puntland ee Khamiislaha ahaa, Shirkaan wuu ka duwan yahay Kuwii hore.

Madaxweyne Deni ayaa isugu yeeray Golihiisa Wasiirada iyo Shaqsiyaad gaara oo saameyn weyn ku leh Puntland, wuxuuna uga warbixinayaa Xaalada Soomaaliya, Safarkiisii Kenya iyo Xaalada Gobolka Gedo.

Ilawareedyo Dublamaasiyadeed ayaa Puntlandi.com u sheegey in Puntland ay ka walwalsan tahay Arimaha Soomaaliya sida ay hada ku socdaan, khaasatan Gobolka Gedo oo Xukuumada Federaalku Ciidamo kasoo buuxisay.

Kulanka Maanta Bosaso ka dhacaya waxaa kaloo looga hadlayaa Xaalada Amaan ee Puntland iyo Mashaariic dhowaan ka bilaabanaya Gudaha Puntland.

Kala soco Puntlandi.com kulanka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Puntland iyo Bosaso maanta.

Puntlandi.com
Bosaso

<