Faahfaahin- Dil ka dhacay Duleedka Gaalkacyo

Kooxo hubeysan ayaa afar Qof oo qaadwale ah waxay u galeen jidka, kadibna waxay ka dheceen Qaabkii ay wateen.

Afarta Qof ee la diley ayaa waxay kasoo jeedaan Koonfurta Gaalkacyo, Dalkana wuxuu ka dhacay meel aan ka fogayn Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug.

Dad ay asxaabyihiin Dadka ku geeriyooday falkaan ayaa Puntlandi.com u sheegay in Afarta Qof ee geeriyooday ay ahaayeen qaarkood Dhalinyaro laga yaqaan Xaafada Baraxley, mana ahayn Dad ku shaqo lahaa Maleeshoyaadka hubaysan ee Xaafada.

Macada sababta jidgooyada loogu sameeyey dadkaan waxaase loo badinayaa inay ahayd Arimo la xiriira Qaad horay loo kala dhacay.

Warar aan naloo xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Amaanka ee labada dhinac ay ka wada shaqaynayaan baaritaanka Kiiskaan.

Puntlandi.com

Gaalkacyo

<