Xiisad ka taagan Gobolka Gedo ka dib Ciidamo ka yimid Muqdisho oo Dad Rayidka xirxiray

Wararka saaka oo Arvbaci ah ka imaanaya Gobolka Gedo waxay sheegayaan in Deegaano ka tirsan Gobolka ayna socdaan howlgalo ay wadaan ciidamo ka yimid Muqdisho kuwasoo u jeedkoodu yahay inay Gobolka ka daraan Dadka taabacsan Jubbaland.

Deegaanada qaarkood sida Doolow iyo Balhedxaawo waxaa laga dareemayaa dhaqadhaqaaq Ciidan, laba Nin ayaa ilaa hada ay Ciidamada ay ka kaxaysteen Degmada Doolow.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan oo shalay Booqdey Gobolka wali kama uusan haday Xiisada kasoo cusboonaatay Gobolka, sidii kale Kismaayo wali kama hadlin iyana.

Labadii Todobaad ee lasoo dhaafay waxaa Gobolka soo gaaray Ciidamo ay Dowlada Federaalku isoo dirtay in ay Deegaanka ka sifeeyaan Dadka taabacsan Jubbaland arintaasoo qaybo badan oo Kenya ka mid tahay aysan soo dhaweyn.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan oo Jamcadii kasoo baxay Xabsi uu Muqdisho uga xiraa ayaa hada wuxuu ku sugan yahay Deegaanka inkastoo uu Xalay u ho’yday Dhinaca Kenya Amaankiisa awgeed.

Al-Shabaab ayaa iyana ku xoogan Deegaanka waxayna u muuqataa hada in Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab ay labaduba isku bahaysteen ladagaalanka Jubbaland iyo Kenya, waa sida ay hada wax u socdaan.

Puntlandi.com
Kismaayo

<