Breaking News Jubbaland iyo Kenya oo ka wada hadlay Xuduuda labada dhinac

Saraakiil ka socda Dowlada Kenya iyo Masuuliyiin ka socda Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay Xuduuda labada dhinac ayaa waxay kawada hadleen Amaanka iyo La dagaalanka Al-Shabaab.

Jubbaland oo uu Matalayay Wasiirka Amniga iyo Saraakiil ka socda Ciidamada Jubbaland ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay hal cadow leeyihiin Cadowgaasoo ah Al-shabaab.

Saraakiisha Jubbaland waxay kaloo sheegeen in kulankaan uusan wax shaqo ah ku lahayn Ciidamada Dowlada Federaalka ee Gobolka Gedo la keenay, waxayna Jubbaland sheegtay in Xaalada Gobolka Geedi ay u taal Kismaayo iyo Muqdisho balse kulankaan uu ku saabsan yahay oo qura Xuduuda Jubbaland iyo Kenya.

Dowlada Kenya waxay muujinaysaa walwal ay ka qabaan Ciidamada ay Dowlada Federaalku kusoo daabulaysay Gobolka waxayna Arintaas ku tilmaameen mid kaalmeynaysa cadawga labada dal oo ah Al-Shabaab.

Puntlandi.com
Nairobi

<