Wasiirka Amniga Jubbaland waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Baledxaawo

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan oo saaka gaaray Gobolka Gedo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Baledxaawo.

Safarka Wasiirka ayaa lagu sheegay inuu yahay howlo shaqo, wuxuuna markii u horaysay ka warbixin doonaa xarigiidii Muqdisho.

Safarka Wasiirku wuxuu dhabar jab weyn ku yahay Dowlada Federaalka oo maalmahaan Ciidan kusoo ururinaysay Gobolka.

Dhana Dowlada Federaalku waxay Kenya ka dalbatay in loosoo gacan gasho Wasiirka laakiin Warar ay shalay heleen Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi.com waxay xaqiijiyeen in Kenya ay si cad u diiday Codsiga Villa Somaliya.

Wasiirku intuu Nairobi uu joogay uu la kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Kenya.

Puntlandi.com
Kismaayo

<