Breaking News— Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan oo kusii jeeda Gobolka Gedo

Wasiirka Amniga Dowlada Jubbaland Cabdirshiid Janan ayaa wuxuu maalmaha soosocda uu ku wajahan yahay Magaalada Baledxaawo ee Gobolka Gedo, waxaa sidaasvwarka ku helay Warbaahinta Puntlandi.com.

Safarka Wasiirka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili ay Dowlada Federaalku ay Ciidan kusoo daabuleysay Gobolka , Ciidan kasoo aan ujeedkiisa rasmiga sh aan la shaacin balse wararku waxay sheegayaan in Dowlada Federaalku ay Doonayso iney Gobolka Gedo ay ka goyso Jubbaland.

Wasiir Janan oo dhowaan kasoo goostay Xabsi uu Muqdisho uga jiray ayaa wuxuu hada wadaa Abaabul ka dhan ah Dowlada Federaalka.

Puntlandi.com
Kismaayo

<