Faahfaahin Al-Shabaab oo qabsadey Xerada Ciidamada Qalimow, Khasaare xoogan oo halkaas ka dhacay

Xerada Ciidamada DF ee ku taal Qalimow ayaa saaka weerar Argagixiso uu kandhacay halkaas khasaare badan uu soo gaaray Ciidanka.

Al-Shabaab ayaa durba sheegtay weerarka oo saaka waabarigii lagusoo qaadey Xerada, Dadka Deegaanku waxay noo sheegeen in mudo saacada ah ay heysteen xerada.

26 Askari ayaa kundhintay weerarka sida naloo xaqiijay, waxaana Macquul ah in khasaaruhu intaas ka badan yahay.

Wali Dowlada Federaalku kama aysan hadal weerarka loo geystay Ciidanka.

<