Puntland oo bilawday iney ka baarto Cudurka/Fayruska Corona Dadka kasoo dega Garoomada

Dowlada Puntland ayaa maanta waxay Garoonka Diyaaradaha Garowe ay ka bilaabeen baaritaan Caafimaad oo la marinayo Dadka kasoo degaya Garoonka si looga hortago Cudurka ka dilaacay Dalka Shiinaha.

“ Baaritanku waa mid Guud oo Dadka lawada marinayo, macnuhu Maha in Dadkaan ay Dhiinaha ka yimaadeen laakiin waxaa Macquul ah Garoomada ay kasoo duuleen iney kula kulmeen DD Shiinaha Kayimaada, sidaan wada ognahay Dubai , Nairobi iyo Adis Ababa waxaa maalin walba jira Duulimaadyo toosa oo Shiinaha ka yimaada, Dadku waxay ku kulmi karaan Goobaha Transitka, Feyruskaana sinsahlan ayaa sida hargabka la isu qaadsiin karaa, sidaas awgeed Ayaan Garowe uga bilowday Baaritaanka Dadka lagu baarayo” Waxaa sidaas yiri mid kamida Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka Puntlnd.

Feyruska ka dilaacay Gobol ku yaal Shiinaha ayaa laga cabdi qabaa inuu Caalamka ku baaho, ilaa hada waxaa feyruska qaadey Dad kor u dhaafaya 2000, waxaa u geeriyooday 159 Qof.

Sawirada hoos ka daawo

Puntlandi.com
Garowe

<