Madaxweyne Xasan Sheikh “ Galmudug dhisidedda wakhti baa lagaliyey yaan dib loo celin”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay Arimaha murugsan ee Galmudug isagoo ku baaqay in la joojiyo Maamulada is feer ordaya.

Xasan Sheikh wuxuu sheegay in Wakhti lagaliyey Dhismaha Galmudug hadana ay u muuqato in dib loogu celinayo meeshii laga keenay.

“Looma baahna Wkhhtigaan in Galmudug la burburiyo dibna loogu celiyo meeshii laga keenay, waxa hada socdaa waa burburin, waa in la joojiyaa lana xaliyaa. Khilaafka iyo kala afkaar duwanaanshaha” Ayuu yiri Xasan Sheikh.

Galmudug waxay hada leedahay laba Madaxweyne iyo laba Baarlamaan, maalmaha soo socdaan mid Sadexad baa la sugayaa.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<