Breaking News— Dowlada Frederaalka Soomaaliya oo Kenya ka dalbatay inay usoo gacan galiyaan Wasiir Janan

Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa Qoraal ayuu dirtay Kenya waxay ka dalbatay inay usoo gacan galiyaan Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirshiid Janan oo ay sheegeen inuu Xabsi kasoo goostay isla markaasna la sheegey inuu Kenya galay.

Warqada oo lasii mariyey Safaarada Kenya ay Muqdisho ku leedahay,ayaa Saaka waabarigii loo gacan galiyey Safaarada.

Wararka ay Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen waxay sheegayaan in Codsigaan ay Dowlada Federaaalku ubgudbisay Kenya ayaa imaanaya kadib markii Wasiir Janan uu shalay soo gaaray Kismaayo isla markaasna la shaaciyey in Madaxweyne Axmed Madoobe oo Nairobi ku sugannuu isla shalay Diyaarad usoo diray si ay Wasiirka ugusoo qaado Nairobi.

Macada kaalinta ay Dowlada Kenya ku leedahay Imaatinka Wasiirka ee Nairobi mana cada Xiriirka Maxaabiis isdhaafsi ee ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Faahfaahinta warkaan kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com
Nairobi

<