Biixi oo Xafiiskiisa kul kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Mdaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi ayaa maanta waxaa booqasho ugu yimid Wafdi ka socda Midowga Yurub oo uu hogaaminayo Nicolas Berlanga Safiirka Midowga Yurub ee Arimaha Soomaaliya.

Safiirka ayaa Soomaaliland wuxuu kala hadlay Arimaha Doorashooyinka Soomaaliland oo waayadaan Buuq Siyaasadeed uu ka taagnaa.

Soomaaliland waxay shaaciyeen in kulanku ku saabsanaa Arimaha Horumarinta laakiin sida Puntlandi.com ay Warka ku hayaan waxaa kulanka ujeedkiisu ahaa in Soomaaliland lagu riixo in l drdar galiyo Doorashooyinka, isla markaasna dhinacyada is hayaa ay muujiyaan dabacsanaan Siyaasadeed.

Midowga Yurub Malaayiin Doollar ayay ku maalgaliyaan Doorashooyinka Soomaaliland, waxayna lacagtaan qayb ka tahay Barnaamijka horumarinta Dimoqoraadiyenta.

Sawirada hoos ka daawo
Puntlandi.com

<